Maamulka Somaliland oo shaaciyeey kisaas cusub oo covid-19 ah

Maamulka Somaliland oo shaaciyeey kisaas cusub oo covid-19 ah

Soomaaliland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 75 qof balse cudurka laga helay 28 ruux,kuwaas oo kala jooga 21 qof Magaalada Hargeysa,Boorama 6 qof iyo hal qof oo jooga Magaalada Gibileey,isla markaana ay ku jiraan dadkaasi xaalad karantiil ah.

Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in hal Ruux oo horleh oo deganaa Magaalada hargeysa uu Cudurka u dhintay taas oo dadka deegaannada Soomaaliland ugu dhintay COVID-19 ka dhigeysa 22 Ruux halka Cudurka ay ka bogsadeen Saddex Ruux.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 332 Ruux 43 Qof ay ka bogsoodeen halka 22 Ruux ay u geeriyoodeen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com