Maamulka Somaliland oo ka hadlay guddigi uu shalay Magacaabay Farmaajo

Maamulka Somaliland oo ka hadlay guddigi uu shalay Magacaabay Farmaajo

Maamulka Somaliland ayaa ka soo horjeestay talaabadii uu shalay madaxweynaha Somalia ku magacaabay guddi loo xilsaaray wadahadalka Somalli iyo Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay goor dhow Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay shuruud adag oo Somaliland ku xirtay wadahadalka labada dhinac taasoo ah in Somali cadeyso iney burburtay midnimadii Somaliweyn, ayna Somalia iyo Somaliland yihiin labo dal oo kala madax banaan.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Somaliland

War-saxaafadeed

Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah:

In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland.
Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska.

Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalami ah oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in cadawgaagu ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo.

Qodobkiisa labaadna wuxu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka.
Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay.

Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa.

Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com