Maamulka Somaliland oo dil ku xukumay maxaabis dagaalkii Laascaanood

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyeey in ay qabteen maxaabiis gaaraysa 14, balse la xaqiijiyey in ay tirada dhabta ahi tahay 9 ruux, laguna qabtay dagaalkii duleedka Laascaanood ee maalmo kahor.

Wararka Daljir ay ka helayso goobaha dagaalka ayaa sheegaya in maxaabiista qaarkood, siiba qayb ahaa ciidamada difaaca Buuhoodle in isla maalinkii la qabtay lagu dhex dilay xerada Goojacadde. Siyaabaha loo dilay ciidanka reer Buuhoodle ayaa warar aan weli la xaqiijin ka soo baxayaan, sheegayana in si ka baxsan xeerka dagaalka iyo Soomaalinimadaba loo dilay qayb raggaas kamid ah.

Maxaabiista ay qabteen ciidamada maamulka Somaliland ayaa sawirro iyo muuqaalo laga soo duubay lagu arkay jirdil xooggan oo loo geystay, qaarkoodna waxaa laga dayrinayaa xaaladdooda caafimaad.

Sida Somaliland shaacisay, maxaabiis tiradoodu gaarayso 9 qof ayaa loo gudbiyey xabsiga Mandheere, laguna xukumay dil toogasho ah. Liiska dadkan ku xukuman dilka ayaa laga dayrinayaa in qaarkood hore loogu dilay Goojacadde oo aan nolol lagu hayn.

Xukunka ayaa maxkamadda Somaliland waxay u cuskatay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ayna adeegsadaan dawlad gobaleedyada iyo Dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Dhanka SSC-Khaatumo, saraakiisha SSC oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maxaabiista ay ku qabteen dagaalkii maalin kahor la daweyeey oo la daryeelay, balse maamulka Somaliland uu dil iyo jirdil xooggan u geystay maxaabista ay qabteen, si ka baxsan xeerka dagaalka iyo Soomaalinimada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com