Ciidamada dowlad Goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay degaano u dow degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha degaanka Awdiinle Ibraahim Maxamed Nuur ( Kalaay) & Ibraahim Xaaji Xasan oo kamid ah Xildhibaannada Koonfur Galbeed, waxaana ujeedka howlgalka ay ku sheegeen in uu yahay mid ay ku doonayaan in degaannada Koonfur Galbeed looga saaro Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degaanka Awdiinle Ibraahim Maxamed Nuur ( Kalaay) ayaa sheegay in, iyaga oo fulinaya Amarka Madaxweynaha ay howlgalkaas qaadeen, isla markaana dhammaan Madaxda kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed ay ka qeyb qaadan doonaan.

Wuxuu hadalkiisa uu intasi kudaray in howlgalka ay kudileen laba sarkaal oo katirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwo laga fulin doono dhammaan degaannada Koonfur Galbeed si looga saaro Al-Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli kamid noqon degaannada uu ka billaawday kacdoonka ka dhnak ah Al-Shabaab ee dadka Shacabka ah hubka ay qaateen si loola dagaalamo Al-Shabaab, balse la filayo in dhawaan uu ka billaawdo kacdoonka.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *