Maamulka Koonfur Galbeed oo ka Digay weerarro ay Al-shabaab ka Gaysato Baydhabo

Bursaalax, 29, March, 2016-(Daljir)_Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in maamulka uu madaxweynaha kayahay uu ka feejigan yahay weeraro kaga yimaada ururka Alshabaab oo kadhaca magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
 
Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in maamulkiisu uu adkeeyey ammaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo iyo goobaha kale ee ay kadhici karaan falalka ammaan xumo.
 
Shariif xasan ayaa hadalkaan  ka sheegay kadib markii uu Booqday Xarunta Waaxda Socdaalka Koofur Galbeed,asagoo ay waliheliyaan Mas’uuliyiin uu ku jiro Taliyaha Booliska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com