Maamulka Koonfur galbeed oo dhisaysa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida

Maamulka Koonfur galbeed oo dhisaysa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida

Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan, iyada oo warbixino kala duwan laga dhageystay tiro wasiiro ah oo uu ugu horeeyo Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eelaay).

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi.

Golaha Wasiirada ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Maryan Cusmaan Xasan (Maryan Keyf) oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Muqdisho ku geeriyootay iyo Sheekh C/laahi Maxamed Rooble oo Shabaab ay ku dileen Jimcihii ina dhaaftay duleedka Muqdisho.

Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), Wasiirka amniga Koonfur Galbeed ayaa Golaha Wasiirada horgeeyay sharciga lagu dhisayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Koonfur Galbeed, iyada oo Wasiirada ay ugu dambeyn ansixiyeen sharcigaasi.

Sharcigan ayaa la horgeyn doonaa xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, si ay u meel mariyaan, iyada oo ugu dambeyn uu u gudbi doono Madaxweyne Shariif Xasan Xasan Sheekh Aadan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com