Maamulka KMG ah ee Dowlada ee deeganada Galguduud oo dib u heshiisiin u bilaabay beelo reer miyi ah.

Balanballe, 3. 2013- Deegmada Balanbale ee Gobolka Galguduud iyo deegano badan oo ku xeeran oo ay ka jireen bilihii tegey colaado u dhexeeyey dadka reer guuraaga ah ee halkaasi wadda degan ayaa haatan waxaa loo bilaabay shirar dib u heshiisiin ah, si xal looga gaaro colaada soo noq noqota.

? Reer miyiga degan deegaanada miyiga ah ee ku xeeran Balanbale iyo Xeraale ee Galguduud waxay ku jireen colaad deegaan oo in badan soo noq noqotay, inta badan dad ayey iska dilaan waana wax fool xun? ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka maamulka Balanballe Maxamuud Maxamed Cabdi.

Mudane Maxamuud Cabdi wuxuu sheegay in uu haatan bilowday shir rasmi ah oo ay abaabuleen maamulka KMG ah ee Dowlada Federaalka ah ee Balanballe kaasi oo lagu doonayo in lagu heshiisiyo beelahaasi Ood wadaagta ah.

Maamulka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya u qaabilsan deeganadaasi sidoo kale waxay sheegeen in ay wacyi gelin buuxda u sameeyeen dadka deegaanka, taasi oo keentay haatan in dadka reer miyiga deegaanku in ay ogolaadaan shirar wada heshiisiineed si xal buuxa loo gaaro.

Dadka degan miyiga Xeraale iyo Balanbale ee gobolka Galguduud waa dad wadaaga Daaqa iyo biyaha miyiga, waxaase dhowr jeer oo hore khasaare baaxad leh ka dhashay markii ay dagaalo dhexmareen, iyadoo sidoo kale dhowr jeer dad Birimagaydo ah loo dilay aano qabiil.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com