Maamulka KGS: Shaqaalaha dowladda KGS wax wada shaqayn ah lama yeelan karaan DFS (wareegto)

Wareegto ku socota shaqaalaha wasaaradaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) oo ka soo baxday maamulka KGS ayaa dhammaan shaqaalaha dowladda waxaa lagu wargaliyey in la hakiyey wadashaqayntii lala lahaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS), shaqaaluhuna aysan wax wada shaqayn ah la yeelan karin DFS.

Wareegtada ayaa u muuqata mid lagu xoojinayo shirkii dhawaan ku soo dhammaaday magaaladda Kismaayo ee xarunta Jubaland, isla markaasna jawaab u ah baaqii Madaxweyne Farmaajo ee lagu faafiyey Twitterka iyo Facebook laguna amray in maamulada Xamar yimaadaan, kana soo qaybgalaan shir uu Madaxweynuhu iclaamiyey.

Waxaa xusid mudan in dhammaan maamuladu ay sheegeen in helitaanka baaqa shirka Xamar ee Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ay kala sinnaayeen bulshada inteeda kale oo ay ka daalacdeen baraha bulshada.

Wareegtadan, shirarka jaraa’id ee Madaxweyne Waare iyo War Murtiyeedka Galmugug ayaa cirka ku sii shareerayo khilaafkan xooggan ee u dhexeeya DFS iyo maamulada dalka, laguna eedaynayo in Madaxweyne Farmaajo uu bilaabay dagaal ka dhan ah maamulada dalka, siiba Galmudug iyo Hirshabeele, laguna tuhmayo sida Madaxweyne Waare uu shalay shirkiisii jaraa’id ku sheegay, in Madaxweyne Farmaajo uu ka gaabiyey dagaalkii lagula jirey al-Shabaab. Gaabiska DFS ee dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ayaa waxa uu culeys dhanka nabadda iyo xisiloonada ah ku sii noqday maamulada Hirshabeele iyo Galmudug.

Halkan RIIX wareegtada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com