Maamulka Jubbaland oo Maanta dil toogasho ku fuliyay Askar dil geysatay

Maamulka Jubbaland oo Maanta dil toogasho ku fuliyay Askar dil geysatay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta xukun dil ah ku fulisay labo rag ah, kuwaas oo lagu helay inay si ula kac u gaystay dil.

Gacan ku dhiigle Yuusuf Cabdille Ismaaciil oo hore dil ugu gaystay marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo gacan ku dhiigle Cabdi Xasan Isaaq oo oo hore si bareer ah u dilay Axmed Xuseen Cismaan ayey maxkamaddu maanta goob joog u ahayd fulinta xukunkii dilka ahaa oo looga qisaasayay dilkii ay hore u gaysteen.

Gacan ku dhiiglayaashan sida bareerka ah u dilay muwaadiniinta ayaa ahaa ciidamo ka kala tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Jubbaland iyo ciidamada xoogga Dalka.

Xeer ilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dilka labadan qof uu iyagana daawo u yahay umaddana ay ku kala nabad galeyso.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in qof walba oo dil bareer ah gaysta sida ay diinta islaamka iyo xeerarka dalka u yaalan qabaan in lagu oofin doono qisaasta jariimada u gaystay si buu yiri ay umaddu u kala nabad gasho dilka sharci darrada ahna uu uga yaraado.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com