Maamulka Jubbaland oo ka warbixiyay Xaaladda Deegaanadaas

Talaado, September 08, 2015 (Daljir) — Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo wafti uu hogaaminayo oo mudo safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa gelinkii dambe ee shalay siweyn loogu soodhoweeyey magalaada Kismaayo.

Soodhoweynta wasiir kuxigeenka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno katirsan golayaasha xukuumadda iyo barlamaanka, qaar kamid ah bulshada magaalada Kismaayo iyo saraakiil katirsan ciidamada maamul goboleedka Jubbaland.

Wasiir Janan wuxuu sheegay in xilligaan ay Jubbaland ku tallaabsatay horumar ballaaran, uuna wanaagsan yahay ammaanka guud ee Jubbaland, ayna dhowaan gacanta ku dhigi doonaan deegaamada ka maqan maamulka ee Alshabab ka arrimiso.

Madaxweyne kuxigeenka Kowaad ee Jubbaland ayaa dhowaan sheegay in uu gabagabo marayo qorshihii uu maamulka Jubbaland ku qabansan lahaa deegaamada Alshabaab ka arrimiso gaar ahaan gobolka Jubbada dhexe oo guud ahaan Alshabaab maamusho.

By: Abdirashiid

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com