Maamulka Jubba land oo ka arinsanaya mawqifkayga ka qaadan lahaayeen shirka ay dawladdu iclaamisay inuu ka dhacayo Muqdisho

Kismaayo, Jun 11- Wararka laga helayo ilaha wararka ee maamulka Jubba land ayaa sheegaya in maamulkaasi uu billaabay kulamo hoose oo uu kaga arinsanaya mawqifka uu ka qaadan doono shir IGAD oga dhawaaisay balse ?mar kale uu ku celiyay m/weynaha DF Xasan Sh Maxamuud oo lagu qabanayo Muqdisho.
?
Masuuliyiinta maamulka Jubba land ayaa kulamadooda oo u badan kuwo si hoose la isula lafa gurayo warbaahintana laga fogeeyay ayaa u muuqanaya kuwa la filayo in maalmo gudahooda la shaaciyo mawqifka Jubba land ee ah shirka Muqdisho.
?
Shirkan oo illaa hadda aan si rasmiya loo shaacin xiliga rasmigaa ee uu qabsoomayo ayaa la sheegay in looga hadlayo danaha iyo arimaha Jubbooyinka.
?
M/weynaha Jubba land Axmed Islaan (Madoobe) ayaa labo toddobaad ka hor waraysi uu bixiyay waxaa uu ku sheegay in shirkaasi ay ka qayb galayaan balse uu noqon doono mid lagu dhamaystiro maamulka uu madaxda ka yahay, uuna u dhaxayn doono Jubba land iyo DF ee Soomaaliya oo dhinac dhan kalana aysan jiri doonin.
?
Hadal haynta ugu badan ee gudaha dalka iyo dibadda ayaa ah mawqifka ama go’aanka Jubba land ay ka qaadan doonto shirka la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.
?
Diiwaanka Wararka daljir
Kismaayo
(S)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com