Maamulka Iskuulka Nawawi oo Munaasabad u Qabtay ardayda Dhamaysatay Sanad-Dugsiyeedkan

Khamiis May 07, 2015 (Daljir) —Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Iimaamu Nawaawi Garoowe ayaa waxaa kadhacday munaasabad heer sare ah oo lagu soo xirayey sanad dugsiyeedkii 2014/2015 ee dugsigaasi ayna ka qaybgaleen, xildhibaano, gudoonka waxbarashada gobolka Nugaal, madax waxbarasho, waalidiin, maamulka macalimiinta iyo ardayda dugsigaasi.

Maamulaha dugsiga Macalin Cabdidaahir oo kahadlay furitaankii munaasabadda ayaa sheegay inay gacanta kuhayeen boqolaal arday oo xilliga xagaaga u baahan inay maareeyaan waalidkoodu si aysan aqoonta uga tegin mudada fasaxana cilmi usii kororsadaan.

Xildhibaanadii iyo waalidiintii ka qaybgalay munaasabadda ayaa iyaguna dhankooda bogaadiyey qaabka wanaagsan ee loosoo agaasimey xafladda waxaana ay balan qaadeen inay ka shaqayn doonaan sidii ardayda loogu siihayn lahaa xayndaabka aqoonta.

Mudane Xaashi xuseen gudoonka waxbarashada gobolka Nugaal oo soo xiray munaasabadda ayaa ardayda ku booriyey inay ka faa’iidaysan fursadaha ay haystaan xilliyada fasaxa, dugsiyadana kusoo laabtaan iyagoo aqoon kororsaday.

By: Jaamac Abdurahman

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com