Sheekh Cismaan Yuusuf Ciise oo ah Maamulaha Xarunta Furqaan oo wax lagu baro Caruurta agoonta ah iyo kuwa danyarta ah ,kuna Taal Magaaladda Dhahar ee Gobalka Haylan ayaa daljir uga waramay baahiya dhinaca agabka iyo guriga ay daganyihin.

Sheekh Cismaan ayaa sheegay in ardayda ay wax baraan u badanyihiin Agoon iyo sido kale kuwa danyar ah iyo kuwo Waalidkood aysan awoodin Bixinta Fiiga,isago sheegay in hadda waxa kaliya ee ay u baahanyihiin ay tahay sidii looga caawin lahaa dhismaha Guri wax lagu baro caruurtas.

Wuxuu baaq dheer u diray Dowladda Puntland iyo Hay’aaddaha ku shaqale arrimaha Caruurta iyo Qurba joogta Kaso jeeda Gobalka.

Maxamed Lakiman ayaa Waraystay

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *