Maamulka Hir-Shabeelle oo War kasoo saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Maamulka Hir-Shabeelle oo War kasoo saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa lagu bogaadiyay guulaha muhiim ka ah ee laga gaaray howlgallada baahsan ee ka socda deegaanada Hirshabeelle ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa suuragaliyay inay xureeyaan deegaano dhowr ah oo Al-Shabaab ay horay u maamulayeen khasaaro xooganna lagu gaarsiiyay dagaaladii lala galay sida deegaanada, Yasooman, Nuur fanax, Buuraha qayaayaale, Garasyaani, Aboorey, Tardo, Sagal geed, Geedsamo, Inameey iyo Booco oo maanta laga saaray ayaa lagu sheegay Warsaxafadeedka.

“ Hirshabeelle waxaa ka go’an xureynta deegaanada ku jira gacanta cadowga iyadoo kaashaaneyso Ciidamada Qalabka Sida iyo Dadka deegaanka waxa ayna ugu baaqeysaa qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagaan ka qeybgalka howlagalada ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kale Hirshabeelle waxa ay si dhow ula socotaa xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada laga saaray Al-Shabaab waxa ayna ku dadaalaysaa sidii dadkaas loo gaarsiin lahaa gurmad deg deg ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com