Maamulka Hir-Shabeelle oo soo bandhigay khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay qarixii Jowhar

Maamulka Hir-Shabeelle oo soo bandhigay khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay qarixii Jowhar

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu Wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle.

Shirka Golaha ayaa maanta warbixin looga dhageystay Guddiga Gurmadka Qaraxii 17-ka July ee ka dhacay Magaalada Jowhar, iyagoo soo bandhigay macluumaad ay ka uruuriyeen baaxada iyo saameynta qasaaraha uu geeystay qaraxaas.

Guddiga ayaa Madaxweynaha iyo Xubnaha Golaha la wadaagay in guryo iyo hanti badan oo dhextiilay guryahaas ay ku baaba’een qaraxaasi , waxaana ay sheegeen in hantida burburtay oo ay diiwaangaliyeen ay ku qiimeeyeen ku dhowaad Laba milyan iyo bar oo dollar ($2,500,000).

Madaxweynaha ayaa warbixinta xaaladaha guud ee abaaraha ka dhageystay Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay dukumenteri muuqaal ah oo ay kasoo diyaarisay baaxada abaaraha ka jira deegaanada Hirshabeelle iyo sida ay u saameysay dadka iyo xoolaha.

Madaxweynaha iyo Golihisa ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaaaalaha ka dhageystay barnaamijka istaraatiijiyada kordhinta dakhliga Hirshabeelle.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com