Maamulka Gobolka Mudug oo Dhaliilay WFP

Khamiis, Oktoobar 22, 2015 (Daljir) —Gudoomiye kuxigeenka Gobalka Mudug Ahna sii hayaha xilka Gudoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur yare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Gaalkacyo Madaxa Hay,ada WFP.

Gudoomiye kuxigeenka Axmed Muuse Nuur ayaa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hay,ada WFP ay dadka siiso raashin aan waxba ahayn waxaana uu ku amray inay dalka ka iibsadaan raashinka ay bixinayaan ama ay dadka siiyaan lacag cadaan ah.

Axmed Muuse ayaa sheegay in hay,adu ka qaadatay amarka ay u soo jeediyeen waxaana uu sheegay inay balan qaadeen inay wax ka badalayaan qorshohoodii hore ayna 40% lacag ahaan u bixin doonaan caawimaada ay siinayaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool Gobalka Mudug.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com