Maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug oo kawada hadlay nabadda Galkacyo.

Galkacyo-26-Aug-2012-Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo ay weheliyaan saraakiil ciidan, ayaa gelinkii hore ee maanta gaarey saldhiga koonfureed ee magaaladda Galkacyo, kaasoo ka dhisan geesta uu ka taliyo maamulka Galmudug.

Socdaalka gudoomiyaha gobolka Mudug ku tegey Koonfurta Galkacyo, ayaa salka ku hayey sidii ay ula soo wareegi lahaayeen baabuur ay xalay Waqooyiga Galkacyo ka dhaceen kooxo shufto ah,
Kulan halkaasi ku dhexmaray gudoomiyaha gobolka Mudug iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Galmudug, ayaa looga hadlay wanaajinta xiriirka labada dhinac iyo in meel looga soo wada jeesto wixii amaanka khal khalinaya.
Cabdi Jaamac Cabdiile oo ah taliye qaybeedka Bilayska ee maamulka Galmudug ayaa kulanka dhexmaray labada dhinac ku tilmaamay mid wadada u xaaraya wada shaqayn iyo iskaashi dhexmara labada dhinac.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa isaguna hadal dheer ka jeediyey madasha, gudoomiyuhu wuxuu maamulka Galmudug ugu baaqay inay ka dhabeeyaan wadashaqaynta labada dhinac isagoo dhankiisa balan qaaday inay marwalba ka shaqaynayaan nabad gelyada gobolka.
Kulanka dhexmaray saraakiisha Galmudug iyo Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa kusoo beegmaya xili dhowaan isbedel maamul oo muran dhaliyey uu ka dhashay xaafada Wadajir ee Koonfurta magaalada Galkacyo oo uu ka taliyo maamulka Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com