Maamulka gobolka Bari oo u digay dad fowdo ka wada magaalada Bosaso (dhegayso)

Maamulka gobolka Bari ayaa u digay dad uu sheegay inay ku howlanyihiin falal la isaga horkeenayo shacabka iyo dowladda.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo ka qaybgalay kulan kadhacay magaalada Bosaso ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad la garanayo oo ku howlan abaabulka dibadbaxyo iyo amaan darro kadhacda magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Isagoo kahadlayay warar soo baxaya oo sheegaya in canshuur kordhin ay dowladda ku samaysay badeecadaha ganacsiga ee dekedda kasoo dagaya ayaa waxaa uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa aan waxba ka badali karin maciishadda, isagoona tusaale usoo qaatay kiishkii inuu fuulayo lacag u dhiganta kun shilin Soomaali ah.

Wararka laga heleyo dekedda ayaa sheegaya dowladda inay joojisay lacagihii laga cabanayay ee todobaadyo kahor lagu soo rogay doonyaha kusoo xiranaya dekedda, iyadoona wararku ay sheegayaan in badalkii lacagaha lagu soo rogay doonyaha soo xiranaya lasaaray qidmado kale bagaashka dekedda kasoo degaya.

Hoos kadhegayso warbixin uu ka diyaariyay Xaasan Heykal

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com