Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray amar ku socda Milkiiyalaasha Guryaha iyo Daaraha ku yaala magaalada Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray amar ku socda Milkiiyalaasha Guryaha iyo Daaraha ku yaala magaalada Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa shaaca ka qaaday iney dib u bilaabayaan qaadista Canshuurta Guryaha iyo daaraha ka dhisan magaalada Muqdisho oo horay loo joojiyay bishi Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay 2022.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Hoose ee Xamar laga bilaabo Maanta oo Khamiis ah in Milkiilayaasha guryaha Caasimadda ku yaala iyo daaraha waa weyn laga qaadi doono Canshuurta guryaha, isagoona sheegay in maamulka gobolka uu ka codsanaayo Milkiilayaasha guryaha iney si dhaw ula shaqeeyaan laamaha qaabilsan qaadista Cabshuurta.

“Laga bilaabo Maanta oo Khamiis ah Taariiqduna tahay 19-01-2023 maamulka gobolka iyo dowladda hoose ee Xamar waxay dib u babayaan qaadista Cansuurta guryaha iyo daaraha ku yaala Muqdisho oo horay loo hakiyay bishii Oktoobar ee sanadkii dhamaaday 2022, sababo la xariira xalinta Maaliyadda” ayuu yiri Afhayeen Saalax Dheere.

Dhinaca kale Afhayeenka Saalax Dheere ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ay ugu baaqayaan Milkiilayaasha iska leh guryaha burbursan ee ku yaala meelaha faras magaalaha iney dib u dhisaan, si bilicda magaalada Caasimadda ah dib loogu soo celiyo oo ay ula tartanto Caasimadaha kale ee Caalamka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com