Maamulka Gobalka Nugaal oo digniin culus u diray musharraxiinta Puntland 2019 (Akhriso)

Maamulka Gobalka Nugaal oo digniin culus u diray musharraxiinta Puntland 2019 (Akhriso)

Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Nugaal ayaa looga digay Musharrixinta Puntland 2019 inay degmadda Garoowe ku qabtaan shir ama Munaasabado aysan dowladda ogayn,khaasatan maamulka Gobalka Nugaal.

Sido kale waxaa warqadda ku qornaa in xiliyadda ay imaanayaan Musharrixinta kahor ay lasoo socodsiyaan maamulka gobalka Nugaal,2 berri kahor waa inay soo sheegan murrashixinta imaanshahooda gobalka ” ayaa lagu yiri warqadan maanta kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha gobalka Nugaal Cabdisalaan Xasan.

Awaamirtan Cusub ee lagu soo roggay musharraxinta ayeey ku shegeen maamulka gobalka Nugaal mid ay ku xaqiijinayaan amaanka Caasimadda Garoowe.

Shalay ayeey ahayd Markii Shir jaraa’id Garoowe ku qabteen Taliyaha Ciidamadda PSF iyo Guddoomiye ku xigeenka gobalka nugaal kaas oo ay uga digayeen Musharrixinta hubka ku dhex sita magaaladda iyo shaqsi walba oo lagu arrko isago hub la dhexmarraya guddaha magaaladda in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.

Hoos ka Akhriso Warqadda Xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Nugaal kasoo baxday

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com