Maamulka Gobalka Banaadir oo ka hadlay dhismayaal sharci darro ah

Maamulka Gobalka Banaadir oo ka hadlay dhismayaal sharci darro ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib ugu soo celiyey gacanta Dowladda Hoose Xarunta Waaxda Oktoober ee degmada Waaberi oo si sharci darro ah warqado ugu sameysteen shaqsiyaad, lagana dhigay goobo ganacsi, iyadoo maanta dib loogu soo celiyey danta guud, si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in hantida Qaranka uu qof shaqsi ah iskaga heysto ama loo sameysto warqado been abuur ah.

“Waxaan soo saarnay warqad aan ku baa’bi’inay sharciyada loo sameystay dhulka danta guud, taasoo qeyb ka ah siyaasadda aan ku ilaalinayno hantida qaranka, wax dulqaad ahna uma yeelan doono in danta guud looga faa’iideysto dano gaar ah” Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

“Dhammaan Dhulka danta guud waan ku raadjoogi doonaa waana ka dabategaynaa. Waxaa naga go’an inaan la dagaalano musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, waxana ku shaqayn doonaa hanaanka dawladnimada iyo xayndaabkiisa si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan cadaalad waarta.”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com