Site icon Radio Daljir

Maamulka Galmudug oo Qaylo Dhaan u Diray Hay’adaha Samafalka (dhegayso)

Masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in wali abaaro xoogan ay kajiraan qaybo kamid ah Galmudug,waxaana ay shegeen in xaaladu ay kasii darayso.

Wasiir ku xigeenka Gargaarka iyo Arimaha Bani’aadanimada Galmudug Mahad Maxamuud Cali ayaa sheegay in deegaanada Galmudug ay waqtigaan ka jirto abaartii ugu darneyd, isla markaana taasi ay u sii dheer tahay Colaado ka dhacay.

Xoolo farabadan ayuu sheegay inay dhamadeen abaarta jirta awgeed,isago baaq u diray hay’adaha gargaarka ee Arimaha samafalka ka shaqeeya.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/59bf7354000100a2e6224d61/Codka+Galmudug+Abaaraha2.mp3?_=1
Exit mobile version