Maamulka Galmudug oo amray in lasoo qabto odayaal dhaqameed ku biiray Alshabaab

Wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug ayaa shaacisay magacyada saddex odey dhaqameed oo ay sheegtay inay u hoggaansameen kooxda Alshabaab.

Saddexdan odey oo lagu kala magacaabo, Sugaal Warsame Cali, Cali Yare Axmed Xayle iyo Cumar Maxamed Jimcaale, ayay wasaaradda amniga Galmudug ku amartay ciidamada inay gacanta kusoo dhigaan meel kaste oo ay ku sugan yihiin.

Wasaaradda amniga Galmudug waxay sheegtay in odayaashaan ay jabiyeen awaamiirta ku aadanayd in aan Shabaab lala sameyn karin wax macaamil ah.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com