Maamulka G/Banaadir oo la wareegaya qaadista imtixaanka fasalka 8-aad

HomeWararka

Maamulka G/Banaadir oo la wareegaya qaadista imtixaanka fasalka 8-aad

Waxaa maanta Xarunta Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ka dhacay kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxda Wasaarad

Fariinta Deni: “Kaalay aan wada dhisnee Puntland Barwaaqaa.
Musharax Madaxweyne Puntland Sanyare oo Gaalkacyo lagu soo dhaweyeey
QM ayaa mar kale qeylo dhaan ka muujisay abaarta ka jirta Soomaaliya

Waxaa maanta Xarunta Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ka dhacay kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxda Wasaarada Waxbarashada iyo maamulka gobolka Banaadir kaas oo ujeedkiisu ahaa shaacinta gudiga diyaarinta xiliga kala guurka Waxbarashada gobolka Banaadir.

Gudigaan ayaa ka kooban 8-Xubnood oo 4-kamid ah yihiin Wasaarada waxbarashada halka afarta kale ay yihiin maamulka gobolka Banaadir kuwaas oo 3-bilood ee soo socota ka shaqeyn doono da’dajinta sidii Wasaarada Waxbarashada ay usoo wareejin laheyd shaqooyinka waxbarashada gobolka Banaadir iyo sidoo kale tayeynta xafiiska Waxbarashada gobolka Banaadir.

War-Saxaafadeed laga soo saarey kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in Inta uu kulanka socday la isku fahmay in Gobolka Banaadir uu la wareego qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo sanad dugsiyeeskan ugu horeeya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 8
DISQUS: