Maamulka dooxada Shabelle ee gobolka Hiiraan oo ku goodiyay inay uruka Al-Shabab ee ku biiray Al-Qaacidda ka sifeyn doonaan gobolka Hiiraan

Beladwayne,Mar 28 -Maamulka Dooxada Shabelle ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay xaaladda amaan ee magaalada Baladwayne iyo deegaanada ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay qabsadeen ee gobolka Hiiraan inay soo hagaagayso.

C/wali Xasan Jimcaale Cawke oo ka mid ah saraakiisha dhinaca warfaafinta ee Dooxada Shabelle oo isagoo ku sugan magaalada Baladwayne la hadlay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay inay soconayso qorshe xiligaan lagu dardar gelinayo maamulkii madaxwaynaha DKMG Shariif Sheekh Axmed dhawaan uu usoo magacaabay gobolka Hiiraan.

Waxaa uu tilmaamay ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya inay wadaan howlgallo ay kula wareegayaan degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burte oo ay xiligaan maamulaan ururka Al-Shabaab, waxaa uu sheegay horumaro badan inay ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan ururka Al-Qaacidda.

Dowladda faderaalka ee Soomaaliya ayaa ku howlan qorshe ay ku doonayso inay ciidamada AMISOM ku gaaraan magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana la qorsheeyay ciidamo kasocda dowladda Jabuuti oo AMISOM ka mid ah inay dhowaan howlgalka AMISOM ka bilaabaan magaalada Baladwayne.

Diiwaanka Wararka
Daljir, Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com