Maamulka Degmada Saaxo oo Beeniyey Kulan Galmudug iyo Nabadeyn Beelo Deegaanka (dhegayso)

Maamulka Degmada Saaxo oo Beeniyey Kulan Galmudug iyo Nabadeyn Beelo Deegaanka (dhegayso)

Maamulka degmada Saaxo ee gobolka Mudug, Puntland, ayaa beeniyay in kulan dhexmaray saarakiil ka kala socota Puntland iyo Galmudug, lana xiriira heshiisiinta labo beelood oo ka soo kala jeedo labada maamul.

Cabdixakiin Xiira oo katirsan golaha deegaanka degmada Saaxo oo la soo xariiray Radio Daljir ayaa sheegay in aysan jirin kulan ka dhacay deegaanka Kaxda oo lagu nabadaynaayay beelahaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii urur ka shaqeeya nabada oo fadhigiisu yahay magaalada Cadaado ay sheegeen inay heshiis kala dhexdhigen labo beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug

Subeer Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo, ayuu u waramay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com