Maamulka degmada Matabaan oo eedeeyay hay’adda WFP.

Matabaan, Jan, 01- Maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa Hay’adda WFP ee ka hawl gasha deegaankaasi ku eedeeyay inaysan haba yaraatee wax ka qaban shaqooyinkii ay halkaasi u timid.


Maxamed Warsame Xirsi (Dabo gooye) oo maanta waraysi siiyay radio daljir ayaa tilmaamay in cabashadaasi ay gaarsiinayaan dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo dhaman cid walboo ay khusayso.


Daba gooye ayaa carabka ku dhuftay in hay’adda cunadda adduunka ee WFP ay gabi ahaanba ka gaabisay wax ka qabashadii arimaha bulshada, isagoo intaa ku daray inay NGOyo u kala dhiibtay mashaariic dufan marmarisa taasoo iska horkeen ka dhalisay dadka deegaanka.


Xiriiro kala duwan oo aynu la samaynay saraakiisha kale ee maamulka gobolka Hiiraan iyo hay’adda WFP ayay inoo suura gali wayday inaynu helno.


Diiwaanka Wararka Daljir
Matabaan
(S).

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com