Maamulka degmada Luuq oo billaabay qorshayaal lagu xoojinayo amniga

Luuq, April 30- Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo uu ku xoojinayo amniga degmada isagoo qaadaya tallaabooyin muhiim u ah xoojinta xasiloonida.

Taliyaha amniga degmada Luuq Xuseen Deeroow Ismaaciil oo waraysi siiyay radio daljir ayaa sheegay in ciidanka degmada amar lagu siiyay inay qabqabtaan dadka isticmaala gawaarida ay ku dhagan yihiin bacaha madaw ee? Pencilka si aysan u fududaan in lagu soo dhex qariyo hubka iyo waxyaabaha kale ee loo adeegsada amni darada.

Taliyaha ayaa sheegay in qorshahaasi ay u billaabeen sidii looga hor tagi lahaa falal amni darro iyo qaraxyo ay suura gal tahay inay ka dhacaan degmada.

Degmada Luuq ayaa ka mida degmooyinka dalka Soomaaliya ee ay ku sugan yihiin ciidanka Itoobiya ee kaalmada ciidan siinaysa dawladda Soomaaliya soona galay dalka sanado ka hor.

Diiwaanka Wararka daljir
Luuq, Gedo
(S)

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com