Maamulka Degmada Garowe oo Bilaabay Hagaajinta Bilicda degmada

Talaado, Oktoobar 20, 2015 (Daljir) —Duqa caasumadda Puntland ee Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey inay bilaabeen bur burinta guryaha  laga dhisay wadooyinka’isagoo sheegay in howshu shalay ay bilaamatay.

Waxaa uu duqu sheegay inay wadaan qorshaha lagu banaynayo wadooyinka’wuxuuna fariin u diray dadweynaha Garowe oo ku aadan inaysan kusoo durkin wadooyinka labaneeyey’sidoo kale ay dowladda hoose kala shaqeeyaan guryaha ku yaal wadooyinka hada la banaynayo.

Xaan Goodir ayaa dhan kale ka hadlay olale nadaafadeed oo Garowe ka bilaaban doona 21 bishan oo bari ah isagoo socon doona mudo shan bari ah’ waxaa uu sheegay Goodir in iskaa wax uqabso loo shaqayn doono’dadweynaha Garowe ayuu ugu baaqay inay shanta bari ka shaqeeyaan gurista qashinka.

Duqa Garowe Goodir ayaa dadweynaha ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabada’ islamarkaana ciidamada Amniga gacan ku siiyaan sidii loo sii xoojin laha amaanka Garowe’Waxa uuna tilmaamay inayan eeganayn wax amaanka Garowe wax udhimaya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com