Maamulka Degmada Bargaal oo ka Cabasho ka Muujiyay Jariifka Badda lagu hayo

Oktoobar 31, 2015 (Daljir) — Duqa degmada Baargaal Abokar Axmed Yuusuf ayaa ka hadlay xaalada degmada sida Kalluumaysiga Sharci darada ah iyo is-badalka ka muuqda magalada, arrintan ayuu kaga hadlay waraysi uu xeebta ku siiyay  warbaahinta

Waxa uu sheegay inaysan waxba ka qaban karin jariifka xoogan ee lagu hayo xeebta degmada, wuxuna sheegay inaysan shaqo badan ka jirin badda oo ay iska xaraysan yihiin doonyihii ka shaqayn jiray, sidoo kale waxa uu sheegay Yuusuf inuu xumaaday xiriirkii Ganacsi ee kala dhaxeeyay dalka Yaman, ka dib markuu dalkaasi ka bilowday dagaalo sokeeya.

Dhinaca kale waxa uu sheegay mudaddii uu xafiiska joogay inay xooga la saaray sidii loo tayayn lahaa waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha, waxa uu rajo ka muujiyay in Baargaal laga sameeyo Jaamacad si loo dhamaystiro baahiyaha xaga aqoonta ee weli taagan.

Duqa Baargaal ayaa ka mid ah Qurba Joogta Puntland ee wadanka Sweden, wuxuna sheegay inuu maalgalin ku sameeyay Baargaal, isla markasna looga baahan yahay Qurbajoogta inay dalkooda kusoo laabtaan oo horumarkiisa ka shaqeeyaan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com