
Afgooye, November 18, 2013 – Gobolka shabeelaha hoose ee koonfurta Soomaaliya waxaa mar kale ka socda maanta dagaal u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare baaxad leh.
Ciidamo ka tirsan dowladda oo xalay ku hoyday deegaanka Muuri ee u dhexeeya Nambar 50 iyo Afgooye ayaa waxay hubka cul culus u adeegsadeen deegaanka Nambar 50 oo shalay dagaal ka dhacay, lama oga khasaaraha dagaalku sababay.
Gudoomiyaha deegaanka Nambar 50 ee shabeelaha hoose Cabdulaahi Waafow, ayaa daljir u sheegay in ciidamada dowladda ay deegaanka ka geysteen xasuuq isla markaasna ay muhiim tahay in sharciga la horgeeyo dadka xasuuqay shacabka deegaanka.
?Dagaalka waxaa huggaaminaya Gen. Gaafow, Yuusuf Indha-cade iyo Goobaale, waana xansuuq balaaran.? Ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Nambar 50 oo la hadlayey idaacada radio Daljir
Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cade ayaa iska foggeeyey eedeynta uu u jeediyey gudoomiyaha deegaanka nambar 50, Indha-cade ayaa sheegay in dagaalku u dhexeeyo kooxda Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee shabeelaha hoose.
Khasaaraha weli lama xaqiijin maanta balse 11 qof ayaa ku dhintay dagaalka shalay dhacay.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
Dhegeyso: Gudoomiyaha degmada Nambar 50 oo la hadlay idaacada radio daljir
FAALLOOYIN & FALCELIN