MAAMULKA DAWLADDA DEEGAANKA SOOMAALIDA (DDS) OO MAGAALADA JIGJIGA KA WADA OLOLE NADAAFADEED

MAAMULKA DAWLADDA DEEGAANKA SOOMAALIDA (DDS) OO MAGAALADA JIGJIGA KA WADA OLOLE NADAAFADEED

Masuuliyiinta xisbiga talada deegaanka haya ee Barwaaqo ayaa olole nadaafadeed ka fuliyey magaalada Jigjiga ee caasimada Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS). Ololahan nadaafadeed ee laga fuliyey magaalada Jigjiga ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubnaha ugu sareeya maamulka Dawladda Deegaanka Soomaalida oo uu horkacayo Kusimaha Madaxweynaha DDS Md. Mustafe Muxumed Cumar.

Olalahan nadaafadeed ayaa looga golleeyahay kor-u-qaadidda meeqaamka bilicda caasimada Jigjiga.

Sidoo kale, ololahan ayaa waxaa ka soo qaybgalay, kana qaybqaatay qaybaha kala duwan ee shacabka Jigjiga.

Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafe Muxumed Cumar ayaa si gaar ah mahadnaq ballaadhan uugu jeediyey hooyooyinka ka qaybqaatay ololaha nadaafadeed, iskuna xilqaamay kor-u-qaadidda bilicda iyo nadaafada Jigjiga.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com