Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir oo Kormeero Sameeyay

Axad, November 01, 2015 (Daljir) —Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay xafiisyada aqalka dowalda Hoose ee Xamar, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” waxaana sidoo kale lagu soo wareejiyay xaruntii hore ee gobalka Banaadir ee Degmada Heliwaa, Xarunta Tababarada Dowlada hoose Xamar ee degmada Boondheere iyo meelo kale.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa kormeerkiisu salka kuhayey sidii uu ugu kuurgeli lahaa shaqooyinka kala duwan ay qabtaan maamulka iyo howl wadeenada Gobalka iyo sida looga shaqeeyo xarumaha ay ku howlgalaan.

By: Abdirashid 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com