Maamulada Puntlnad,Jubbaland Iyo Hirshabelle oo Laga Dalbaday Inay Bilaabaan Doorashada Golaha Shacabka

Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubbaland iuo Hir-Shabeelle ayaa laga dalbay soo gudbinta kuraasta Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ugu horreeya.
Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal Axmed Safiina ayaa sheegay in Gobollada Waqooyi ay billaabeen Doorashada Golaha Shacabka Halka Galmudug iyo Koofur Galbeed ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah kuraasta la dooranayo.

Waxa uu afhayeenku sheegay in Puntland, Jubbaland iyo Hir-Shabeelle dhankooda laga rajeeynayo in ay dadejiyaan Shaacinta Kuraasta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya si doorashadooda loo billaabo maalmaha soo socda.

Warar ayaa sheegaya in guddiga doorashada Puntland uu ku shaacinayo saacadaha soo socda illaa toban kursi oo kamid ah kuraasta ugu horeysa ee lagu dooranayo Puntland.

Guddiga doorashooyinka iyo Maamul goboleedyada ayaa cadaadis xoog leh lagu saarayaa inay dedejiyaan doorashada lana dhamaystiro kahor dhamaadka sanadkan 2021.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com