Maamul goboleedkii u horeeyey oo soo dhoweeyey Heshiiskii Itoobiya iyo Soomaaliya(dhegayso)

Maamul goboleedkii u horeeyey oo soo dhoweeyey Heshiiskii Itoobiya iyo Soomaaliya(dhegayso)

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowaan heshiis uu ku dhexmaray madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya, heshiiskan ayaa waxaa uu u badnaa iskaashi dhinacyada dhaqaalaha iyo maalgashiga afar dekedood oo Soomaaliya ku yaala , sida lagu cadeeyey warmurtiyeedkii laga soo saaray kulanka labada dhinac,

Balse raysl wasaaraha dalka Itoobiya Abey Axmed oo waraysi siiyay Telfishiinka dalkiisa ee EBC ayaa waxaa uu sheegay inay ku heshiiyeen madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya in la sameeyo hal dal oo midaysan oo dhinacyada dhaqaalaha iyo ammaanka ka wada faa’iidaysta.

Madaxwaynaha maamulka Hirshabelle ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhowaynayo heshiiskan, isagoona dhanka kalle tilmaamay afarta dekedood ee lagu heshiiyay inay ku jirto dekedda Cadalle ee gobolka Shabeelada dhexe.

Hoos kadhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com