Maalinta Xuquuqqul Insaanka oo laga xusay Garoowe (Sawiro)

Garoowe, Dec 10, Munaasabad lagu maamuusayay maalinta ?xuquuqda aadanaha ee ku beegan sanad kasta 10 bisha 12′ aad ayaa maanta lagu qabtay Garowe , ?Waxaa munaasabadaan ?soo qaban ?qaabiyay Hay?adda IRC {International Rescue committe}oo kamid ah Hay?addaha ka shaqeeya arimaha xaquuqda aadanaha.

?
?Dadkii ka qeyb galay munaasabada waxaa ?kamid ahaa Wasiiro, ku xigeeno, ?mas?uuliyiinta gobolka Nugaal, bulsho ka socotay dadka barakacayasha iyo ?qaar katirsan Hay?addaha maxaliga ah.
?
?Mas?uuliyiintii kulankaan kahadlay ayaa siyaabo kala duwan waxa ay aragti uga dhiibteen sida loo joojin karo dhibaatooyinka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee loo geysto dadka barakacayaasha ah ee ku nool Puntland.
?Xasan Sheekh Maxamed oo ka socday Hay?adda IRC ayaa sheegay inay munaasabadaan gaar utahay udoodida dadka loo geysto dhibaatooyinka ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee ku nool Puntland, Waxaana uu sheegay in ay haatan wadaan barnaamijyo wacyigalin ah oo ku aadan ilaalinta xuquuqda barakacayaasha Garowe.
?
Gudoomiyaha gobolka Nugaal C/Xisri Cali ?Qarjab? oo isuguna kahadlay munaasabada ayaa sheegay inay barakacayaashu leeyiihiin xuquuq lamid ah qofka muwadinka ah, Waxaana uu sheegay in dadka barakacayaasha ay leeyihiin guddiyo maamulka usoo gudbiyo dhibaatooyinka ka dhan ah xuquuqda bini?aadamtinimada ee ?ka dhaca xeryaha barakacayaasha Garowe.
?
Wasiirku xigeenka wasaaradda warfaafinta Puntland C/laahi Faarax Aswad oo soo gabagabeeyay munaasbada ayaa ku baaqey in la badalo magaca dadka soo barakacay taasi oo dhiiri galin unoqnaysa qoyska ku nool xeryaha barakacayaasha ee Puntland.
?
Maalinta udoodida xuquuqda aadnaha ?waxaa sanadkii 1948 meel mariyay guddiga sare ee ?qaramada midoobay, Waxayna kamid tahay ilaa 30 qodobood oo hoos imaanaya xuquqda aadanaha.
??
C/Weli Maxamed Sheekh
Daljir Garowe.
?
\"Board
?
\"Kasoo
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com