Site icon Radio Daljir

Maalinta Qaaxadda Adduunka oo dunida laga xusayo (dhegayso)

Maanta dunida waxaa laga maamuusayaa maalinta Qaaxada adduunka oo sanad kastaa maanta oo kale la xuso iyadoo la qabto munaasabado dadka looga wacyigelinayo cudurkan iyo halistiisa.

Waxaana maanta oo kale sanadkii 1882-dii uu dhakhtar lagu magacaabi jiray Robert Koch uu shaaciyay in uu ogaaday tagteeriyada keenta qaaxada, arrintaa oo sababtay in laga fikiro sidii qaabkii bagteeriyadaasi lagula dagaalami lahaa.

In kastoo dunida dedaallo badan laga sameeyay, haddana cudurkani qaaxada ayaa halis ba’an ku haya caalamka, iyadoo 4500 oo qof ay maalintiiba u dhintaan dunida oo dhan.

Haddaba cudurkan iyo waxa uu yahay ayaa Dr. Axmed Saciid oo ka hawla Isbitaalka guud ee Magaaladda Garoowe waxa ay uga warramay weriyaha Idaacadda Daljir Xaawa Axmed .

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5ab655700101000eb4d806fd/Waraysiga+Dr+Axmed+Saciid+oo+ka+hadlaya+Cuddurka+qaaxadda+by+Xaawa+Axmed+Maxamed+.mp3?_=1
Exit mobile version