Maalinta dhalinyarada aduunka oo Garowe laga xusay, iyo Faroole oo ka digay khatarta tahribta.

Garowe, Aug 12 – Magaalada Garowe maantay waxaa laga xusay 12 Aug oo ku beegan maalinta dhalinyarada aduunka, waxaana xaflad maalintaasi lagu maamuusayo lagu qabtay xarunta jaamacadda PSU Garowe.

Munaasabadaan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda dhalinyarada shaqada shaqaalaha iyo ciyaaraha Puntland oo kaashanaysa dalada dhalinyarada isku da’da ah ee Puntland Y-Peer Network (PYPN) iyo ururada kale ee ku hawlan arrimaha dhalinyarada Puntland.

Wafti uu hoggaaminayo madaxwaynaha dawladda Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa markii ugu horaysay ka qayb-galay munaasadaan lagu xusayay maalinta dhalinyarada aduunka oo sanad-waliba laga xuso gobollada Puntland.

Madaxwayne Faroole ayaa munaasabada ka jeediyay khud-bad socotay 38-daqiiqo oo uu uga hadlay dhammaan arrimaha dhalinyarada iyo caqabaha xilligaan haysta.

Dr Faroole, waxaa uu si qoto-dheer uga hadlay doorka dhalinyarada reer Puntland ay ku leeyihiin hormarinta dalka, iyo kaalinta ay xilligaan ka qaadan-karaan arrimaha dimuqraadiyadda Puntland oo uu ku tilmaamay mid fursad-wacan u horseedaysa dhalinyarada reer Puntland.

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed iyo kuwo reer Puntland oo maalin-kasta naftooda khatar u galinaya tahariib si ay dalalka Yurub ugu gud-baan, waa arrin-taan oo ka mid ah caqadaha xilligaan dhalinyarada reegaadiyay, war illaahay ka baqa oo iska-daaya tahariibta oo ka faa’iidaysta tacliinta iyo khayraadka dalkiina” Sidaasina waxaa yiri Dr Faroole

Intii xafladu ay ka socotay jaamacada PSU Garowe ayaa waxaa khudbado kale duwan halkaasi ka jeediyay masuuliyiin-kale duwan, waxaana magaca dhalinyarada Puntland ku hadlay wasiirka shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland C/wali Indho-guran, inkastoo madaxda ururada dhalinyarada Puntlandna ah soo bandhigeen khudbado muhiim ah oo ka tur-jumayay wacyiga dhalinyarada Puntland.

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com