Site icon Radio Daljir

Maalinta Biyaha Aduunka oo laga xusay Puntland iyo xogta biyaha Puntland oo la soo bandhigay (Sawiro)

Garoowe,22,March 2013,Munaasabadaan? lagu maamuusayay maalinta biyaha aduunka oo ku began sanad kasta 22-ka bisha March ?ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasiamada Puntland,.

hay?adda Puntland uqaabilsan dhinaca biyaha ee Passweyn oo kaashanaysa Ha?ada Care International ayaa soo bandhigtay qorshe biyoodka Puntland ee sanad-ka 2013

Waxaana munaasada ka qeyb galay mas?uuliyiin katirsanaa hay?addaha dowlada Puntland wakiilo katirsanaa hay?adda calaamiga ah iyo ururada? maxaliga ah ee ka shaqeeya arimaha horumarinta bulshada.

Sanadkaan ayaa munaasabada biyaha hal ku dhig looga dhigey in hormar iyo nabad laga gaaro kobaca biyaha ee Puntland

Hay?adda Passwe oo Puntland u qaabilsan xaga biyaha ayaa munaasabada ka? sheegatay in sanad walba ay qasaaraan? ceelal laga qoday ?deegaanada Puntland sababtaasi oo lagu sheegay in aan la hayn qalab lagu baaro cabirka biyaha ku jira dhulka hoostiisa.

Gudoomiye ku xigeenka hay?adda biyaha Puntland Cabdi Siciid Cismaan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay? inay qorshaynayaan? sameynta waro waa wayn oo ?lagu keydiyo? biyaha iyo sidii loo heli lahaa qalabka lagu baaro biyaha ku jira dhulka hoostiisa.

?

Diiwaanka wararka Daljir?

(C X)

?

?

?

Daljir.com

Exit mobile version