Ma lajoogaa xiligii Soomaaliya laga qaadi lahaa cunaqabataynta hubka?

Ma lajoogaa xiligii Soomaaliya laga qaadi lahaa cunaqabataynta hubka?

Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Magacaabay Guddi loogu talo galay inay qiimeeyaan sida dowladda Soomaliya u daba gashay iyo waxa ay ka qabatay hubka sharci darrada ah si cunaqabateynta hubka looga qaado Soomaaliya.

Guddigaan oo ah mid madax bannaan ayaa warbixin ka keeni doona qiimeynta ay sameeyaan sida uu warkaan ku sheegay Wareysi uu bixiyay Danjiraha Soomaaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Amb, Abuukar Baalle.

Soomaaliya ayaa muddo ka badan 30 sano waxaa saaran cunaqaateyn dhinaca hubka ah, waxaana danjire Abuukar Baalle uu sheegay in guddiga la magacaabay bilaha soo socda ay imaan doonaan magaalada Muqsdisho, iyagoo u kuur galidoona heerka la dagaalanka hubka sharci darrada ah ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya markii ugu horreeysay ku guuleysatay inay la socoto hubka loo keeno Ciidamada AMISOM ee ka holwgallad dalka, isla markaana dowladda Soomaaliya la siinayay Number sireedka hubkaas si aan cid kale gacanta loogu gelin.

Todobaadkaan ayay aheyd markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay muddo hal sano ah ku kordhiyeen cunaqataynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyaga oo walaac ka muujiyay sida ay sheegeen in hub aan la ogeyn meel uu ka yimid uu gacanta u galay Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com