?Ma jirto dakad laga qodayo Laasqoray, qorshuhu waa in lagurto khayraadka dabiiciga ah, taasina yeeli-mayno? Garaad Cali Ciid.

?

Mindigle, Oct, 02 ? Afhayeenka issimada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa sheegay inaan wax dekad ah laga qodaynin degmada Laasqoray, qorshuhuna yahay in shirkado shisheeye ay gurtaan khayraadka dabiiciga ah ee gobolka Sanaag.

?Ma jirto dakad laga qodayo Laasqoray, qorshuhu waa in lagurto khayraadka dabiiciga ah, arrintaasina maahan mid aan yeelayno, shirkii noogu soo xirmay magaalada Mindiglena si cad ayuu shirku uga hadlay arrintaasi go?aan ayaana ka qaadanay? sidaasina waxaa yiri Garaad C/llaahi Cali Ciid.

Dhinca kale, Garaadka ayaa sheegay inuu guul-kusoo dhammaaday shir muddooyinkii ugu dambeeyay uga socday magaalada Mindigle ee gobolka Sanaag beeshiisa, waxaana uu tilmaamay shirku inuu qaatay muddo 4-maal-mood ah, looga xaajooday arrimaha ammaanka, beeshu sida ay u saluugsantahay xildhibaanada gobolka Sanaag u matalaya dawladda dhexe ee Soomaaliya, iyo arrinta dekeda Laasqoray.

Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa waraysigii uga hadlay hadal uu shalay warbaahinta ka yiri wasiirka arrimaha gudaha dawladaha hoose iyo hormarinta reer-miyiga Puntland General: ilkajiir, waxaana garaadku uu sheegay inaan loo baahnayn warbaahinta in la iska maago, arrintaasina la iskala xisaabtami-doono.\\

HALKAAN KA DHAGAYSO WARAYSIGII GARAADKA, WAXAA WARAYSIGAAN LA YEESHAY WARAIYE MAXAMED C/LLAAHI CALI ‘KOOSHIN’

?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com