“Ma jirto cid matalaysa shacabka gobolka Cayn oo ku biirtay Somaliland” Ku xigeenka Gudd. gobolka Cayn Maxamuud Sh. Cumar.

Buuhoodle,Dec,16 -Gudoomiye kuxigeenka gobolka Cayn Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo waraysi siinayay Radio Daljir ayaa waxaa uu beeniyay in masuuliyiin katirsan gobolka Cayn inay ku biireen maamulka Somaliland,isagoona sheegay hadalhaynta ku saabsan siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Cayn oo ku biiray maamulka Somaliland uu yahay waxba kama jiraan,islamarkaana ay sii fogaynayso isfaham siyaasadeed oo laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo shacabka gobolka Cayn.

“Maanta hadii anigu aan tago Xamar waa lay garanayaa,hadii aan taga Hargaysana waa la garanayaa mansabka aan hayo,balse in dad magac loo bixiyo saxaafaddana sawiro ay ka qaado caalamkana loo sheego in dad xil ka hayay bulshada Buuhoodle inay ku biirayn Somaliland waa wax sii fogaynaya xalka gobolka”ayuu yiri gudoomiye kuxigeenka gobolka Cayn Maxamuud Sheekh Cumar Xasan.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Cayn Maxamuud Sheekh Cumar ayaa dhinaca kale sheegay ciidamadii maamulka Somaliland ee uu usoo diray daminta colaadii Kalshaale ee mudo sadex bilood ka hor ka taagnayd deegaankaasi inay wali ku suganyihiin deegaanadii ay colaaddu ka dhacday.

“Waxaan codsanaynaa in nalaga qaado miisaanka ciidan ee na saaran,mar hadii ciidanku arimihii ay u yimaadeen ee daminta colaadda ay dhamaatay”ayuu yiri mar kale gudoomiye kuxigeenka gobolka Cayn oo ka digay in dhibaato ay ka imaan karto joogitaanka ciidanka Somaliland.

Si kastaba ha’ahaatee,maamulka gobolka Cayn ayaa marar badan ku celceliyay in maamulka Somaliland faragalin uu ka wado deegaanada gobolkaasi Cayn.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir.

Daljir.com

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *