Lix ruux oo ku dhimatay shil baabuur oo ka dhacay Sin-ujiif, iyo dhaawac badan oo ka dhashay.

Sin-ujiif,Oct 14 ? Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay shil baabuur oo maanta ka dhacay tuulada Sin-ujiif ee gobolka Nugaal, waxaana sidoo kale shilkaasi baabuur ku dhaawacmay in baadan 7 qof oo kale kuwaasoo qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus.

Baabuurka qallimay oo dadka badan ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawameen ayaa ahaa nooca loo yaqaanno Market2-ga kaasoo waday dad rakaab ah oo uu ka soo qaaday magaalada Bossaso.

Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ayaa la soo gaarsiiyey isbitaalka magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasi oo haatan lagula tacaalayo xaaladdooda caafimaad, waxaana qaar ka mid ah dhakhaatiirta oo aan la xiriirnay ay noo xaqiijiyeen qayb ahaan dhaawacyadu in ay aad u liitaan.

Shilalka baabuurta ee deegaannada Puntland ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwa xad-dhaaf ah, iyadoo saraakiisha nabad-galyada waddooyinka Puntland-na ay sheegeen sababaha gaddoon in ay u badan yihiin farsamo xumo iyo mas?uuliyad darro.

Marka laga tago shilkaan maanta, midkii ku xigay waxaa uu shalay galab goor gaaban ka dhacay duleedka magaalada Galkacyo kaasoo uu ku dhintay mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland oo lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee C/llaahi Cabdi Faraxle.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com