Lix qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay qaraxmiino oo ka dhacay gobolka Bay

Baydhabo,Feb 21 -Ugu yaraan lix qof ayaa dhimatay,inkabadan toban kalena waa ay kudhwaawacmeen kadib markii gaarigii ay lasocdeen uu miino nooca dhulka lagu aasay ay kula qaraxday degmada Ceelbarde ee gobolka Baay.

Gaariga qarxay oo ahaa nooca xamuulka qaada oo ay la socdeen dad shacab ah, ayaa la sheegay inuu kusii jeeday degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Degmada Berdaalle ee gobolka Baay oo uu qaraxan ka dhacay ayaa waxaa maamula ururka Al-Shabaab,waxaana ay ka mid tahay degmooyinka ay inta badan ku dagaalamaan ciidamada dowladda KMG Soomaliya oo taageero militeri ka hela dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Aamino Axmed Cali ( Ladan)

Daljir,Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com