Liaoning Diyaarad Qaadihii Koowaad ee Shiinaha oo Hong Kong ku soo Xirtay

Liaoning Diyaarad Qaadihii Koowaad ee Shiinaha oo Hong Kong ku soo Xirtay

Liaoning, diyaarad qaadaha dagaalka ahna kii koowaad ee Shiinaha, ayaa markii ugu horraystay u shiraacday maantana yimid jasiiradda Hong Kong oo hadda ah qayb ka kamid ah dalka Shiinaha. Shiraaca Liaoning waxa uu qayb ka yahay dabaaldegga sannadguuradii 20aad ee ka soo wareegtid soolaabashada Hong Kong ee Shiinuhu kala soo laabtay Ingiriika.

Hong Kong in kasta oo ay tahay gobol kamid ah Shiinaha hadana waxaa loo ogolaaday in ay gooni isu maamusho, kuna dhaqanto nidaamka asxaabta badan ee ay ka dhaxashay dawladda Ingiriiska.

Diyaarad qaadaha Liaoning dhererkiisu waa 300m, waxaa la dhisay 1980, wuxuuna horay u ahaa diyaarad qaade qabyo ah, lana dhisay 1980, waqtigii Shuuciyaddii Soofiyeetka, Shiinuhuna wuxuu ka soo gatay dalka Yukreen, asaga oo sii daxalaysanaya. Shiinaha ayaa cusboonaysiiyey, kana dhigay diyaarad qaade dagaal oo casri ah.

Bishii la soo dhaafay ee Abriil, Shiinaha ayaa cag dhigay diyaarad qaadihii labaad oo noqonaya mid Shiinuhu dhisay, biloow illaa iyo dhammaad, lana filayo in uu shiraacdo sannadka 2020.

Shiinaha ayaa hadda ah quwad weyn oo dunida ku soo biirtay, ahna tan kaliya ee hadda la oran karo waxay leedahay miisaan u dhow kan dowladda Maraykanka, dhan dhaqaale iyo dhan aloos milateri sannadaha soo fool leh.

Radio Daljir

Isku miisaanka diyaar qaadayaasha dagaalka ee maanta dunida ka hawlgala

  

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com