Lasoco wararkii ugu dambeeyey ee shir madexeedka IGAD iyo Muqdisho.

Muqdisho, Sep 13 2016–Madaxda waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa laguu wadaa inay markii ugu horeysay ay magaalada Muqdisho ku qabtaan shir madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Shir madaxeedkan oo saaka furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheeegay in shir madaxeedka ajendaha looga doodii doono ay ka mid yihiin xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

‘’Tani waa fursad dahabi ah oo Soomaaliya soo marta. Martigelinta shir heerkiisu sareeyo, sida kulan madaxeedkan IGAD, waxay daliil u tahay in waddamada gobolka iyo beesha caalamka ay garowsadeen horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinaca dowlad dhisidda iyo nabad soo celinta. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa sida ay uga go’an tahay inay gacan ka geystaan in dalkeena uu dib u soo ceshto sumcaddii iyo sharaftii uu ku lahaa beesha caalamka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com