laftagareen oo ka hadlay heshiiska Farmaajo & Rooble ee uu garwadeenka ka ahaa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in uu dhamaaday kala ragtid uwanaantii u dhaxeeysay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasare Rooble taas oo salka ku heeysay arrinta Hay’adda NISA iyo Wasaaradda Amniga.

Laftagareen oo garwadeen ka ahaa wada-hadallada labada mas’uul ayaa sheegay in si kalsooni leh oo wanaag kujiro lagu dhameeyay khilaafka kadib dadaal dheer iyo iskudayo badna oo ay sameeyeen.

laftagareen ayaa u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Roole oo uu sheegay inay tasaasul muujiyeen, waxaana uu sicad u sheegay in dadka Soomaaliyeed ay walwal ka qabeen khilaafka Madaxda.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dhamaan madaxda dalka ay wada Shaqeyn doonaan ayna meesha ka baxday kala aragti duwanaantii jirtay haatana la guda galayo howlaha doorashooyinka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com