Lacago faalso ah oo lagu arkay suuqyada magaalada Galkacyo iyo Bangiga dawladda oo ka digay qaadashada lacagahaasi.

Galkacyo, July 10 – Guddoomiyaha Bangiga Galkacyo C/llaahi Cali Barre ayaa sheegay in magaalada Galkacyo la soo galiyey lacago been-abuur oo shallin Soomaali ah kuwaasi oo uu tilmaamay in ay isku hal lambar wadaan.

Guddoomiyaha, ayaa hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Galkacyo kaasoo war-baahintu ay su’aalo ku wadiiyeen, waxaana guddoomiyuhu uu xaqiijiyey hubantida jiritaanka lacagahaasi faalsada ah isagoo qaar ka mid ah wariyaasha u soo bandhigay.

Mudane C/llaahi Cali Barre, waxaa uu tilmaamay lacagahaani in ay yihiin daabacaad been-abuur ah laguna damacsan yahay in lagu khal-khaliyo amniga iyo dhaqaalaha gobolka sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay ganacsatada iyo dadweynaha gobolka in ay ka feejignaadaan.

Guddoomiyuhu, waxaa uu sheegay lacagahaan in ay ka dhex-heleen dakhliga dawladda u soo xarooda ee ka yimaada goobaha canshuurta, taasoo micnaheedu yahay in wakhti horaba lagu dhex-daray is-ticmaalka lacagaha caadiga ah.

Muddo dheer ayaa u dambaysay daabacadda lacagaha been-abuurka oo lagu arko suuqyada Puntland taasoo xilliyo hore wax caadi ah ka ahayd deegaannada Puntland, waxaana daabacadda lacagaasi la joojiyey, siweynna loo cirib-tiray xilligii ay jirtay dawladdii Gen. Cadde Muuse.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com