Labo qof ayaa ku dhimatay saddex kalena waa dhaawacmeen is rasaasayn maanta ka dhacday Galkacyo.

Galkacyo, June 06 – Laba qof ayaa dhimatay? saddex kalena? waa dhaawacmeen kaddib markii labo kooxood ay isku rasaaseeyaan dhul ku yaalla koontaroolka waqooyi ee magaalada Galkacyo, kaasoo lagu muran saanaa mulkiyaddiisa.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawac ayaa ka wada tirsanaa dhinac ka mid ah kooxihii xorgufta iyo is rasaasaynta dhulka la xiriirtaahi ay dhexmartay marka laga reebo hal ruux oo dhintay kaasoo la tilmaamayo meel ka durugsan goobta wax ka dhaceen in ay ku haleeshay rasaas habaw ahi, waxaana warku intaas ku darayaa ninkaasi in uu ka mid ahaa shaqaalaha dawladda.

Is-rasaasaynta sababtay dhimashada iyo dhaawaca, ayaa ka fuftay isku-qabsi xagga dhulka oo dhinacyada wax dhexmareen ay kala sheeganayeen mulkiyaddiisa, taasoo markii dambana isku rogtay gacan-ka-hadal dhiig ku daatay, sidaasi waxaa Radio Daljir u xaqiijiyey ilo-wareeddo kala duwan oo dawladda iyo dad xog-ogaal abba iskugu dhafan.

Ciidanka bileyska ayaa isla markiiba gaaray goobta wax ka dhaceen, xaaladdana ku soo celiyey mid caadi ah sida uu noo sheegay? taliyaha ciidanka bileyska gobolka Mudug Jaamac Maxamad Axmed oo Daljir u warramay waxyar kaddib markii wax dhaceen, waxaana uu intaasi ku daray mamulku haatan in uu ku hawlan yahay xal-u-helidda mushiladdaas.

Isku-dhacyada dhinaca dhulka ku saabsan ayaa qayb ka ah rabashadaha ammaan darro ee inta badan ka dhacda dhulka Soomaalida, waxaana arrimahaan dabka isku-sii-raaciyey dhumitaan sharcigii iyo kala dambayntii dalka, taasoo sabab u noqotay in la waayo xogo rasmi ah iyp caddaymo sharciyeysan oo lagu kala saaro isku-haysiga xagga dhulka.


Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com