Laba qof ayaa ku dhaawacantay qarax kadhacay Boocame Sool, gudoomiyaha gobolka oo sheegay in lagu raad joogo dadkii qaraxa fuliyay

Bocame, May 08 -Qarax dhaliyay dhaawaca laba qof oo shacab ah ayaa abaare 8:30 fiidnimo ee xalay xiliga Geeska Afrika ka dhacay goob meherad ah oo lagu qaxweeyo islamarkaana ku taala degmada Boocame ee gobolka Sool.

Labada qof ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa la sheegay in midkood oo dhaawaciisu culusyahay lasoo gaarsiiyay isbitaalka magaalada Garoowe si loo daweeyo.

Gudoomiyaha gobolka Sool ee dowladda Puntlnd Axmed Ibraahim Faarax Faracade ayaa u sheegay Radio Daljir inay socdaan baaritaano kusaabsan dadkii ka dambeeyay qaraxa iyo nooca qaraxa uu ahaa oo ilaa iyo iminka aan la ogayn.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale tilmaamay qaraxa kadhacay Boocame inuu yahay mid ugub ku ah degmada, islamarkaana ay baarayaan dadkii ka dambeeyay, inkastaa uu ka gaabsaday inay jiraan dad si gaar ah ay ugu eedeynayaan qaraxa inay ka dambeeyeen.

Waa markii ugu horaysay oo qarax lagu weeraro goob ay shacab ku suganyihiin degmada Boocame ee gobolka Sool.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com